Axmad Xaaf “Soomaaliya shan bil kadib ma sii jiri doonto”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay Shirka Golaha iskaashiga ee Dowlad Gobaleedyada ee Ka soconaya magaalada Garoowe  ayaa ka hadlay amniga, waxaa uuna sheegay in Dowlad Goboleedyada looga baahan yahay in ay sameystaan Ciidamo u gaar ah.

Ciidamadan ayuu Sheegay Madaxweyne Xaaf sidee ay ula dagaalame lahaayeen Al-Shabaabka ku sugan Soomaaliya.

Xaaf ayaa sidoo kale tilmaamay in ay Soomaaliya aysan sii jiri doonin shanta bil ee soo socota waxaana uu sabab kaga dhigay in madaxda DF khilaafkooda uu burburin doono wax walbo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan deegaanaa galmudug ayuu aad ugu dheeraaday, waxaa uuna eedeyn u jeediyay Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Garoowe ayaa waxaa ka soconaya Shirka ay leeyihiin Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada dalka ka jira.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.