Ciidan uu watay General Sheegoow oo dad shacab ah ku dhaawacay Muqdisho

Ciidamo la sheegay in uu watay General Sheegoow oo ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamo Boolis ah oo bar koontorool ku leh Wadada Seybiyaano ayaa is Israsaaseen khasaaro ka dhalatay dhex martay.

Israsaaseynta ayaa timid kadib markii ciidamada Generalka ay damceen in wadada oo saxmad aheyd ay furtaan balse ciidamada Booliska ay iska hor imaadeen una sheegeen in ay safka gaadiidka ku jira ay qeyb ka noqdaan.

Generaalka ayaa la sheegay in uu Magaalada banaankeeda uu ka yimid islamarkaasna uu doonayay in uu Magaalada Gudaha usoo gallo ka hor intaan Ciidamadiisa iyo kuwa Booliska Fadhiya Wadada Seybiyaano aynan isku dhicin.

Sida ay  wararka sheegayaan ilaa saddex ruux oo ay Haweeneey ay ku jirto ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeyn israsaseentaasi mana ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay israsaaseen ku dhex marto Magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.