Musharixiinta madaxtinimo ee doorashada Puntland oo digniin loo diray

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland oo la hadlay Saxaafada  ayaa waxaa ka hadlay musharixiinta fara badan ee soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo dhaweynayan Musharaxiinta imaanaya deegaanada Puntland ,isla markaana amnigooda uu masuul ka yahay Maamulka Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Shaaca ka qaaday in Puntland aysan marnaba aqbali doonin hub culus iyo Gaadiidka dagaalka oo fowdo iyo rabsahda abuuri kara, islamarkaana lala soo galo Magaalada Garoowe.

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa uu digneen adag uu u jeediyay musharixiinta xil doonka ah ee ku sii qul-qulaya Magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa  in ay ka dhacdo doorasho 2019,waxaana halkaasi gaaraya maalmihii ugu dambeeyay  musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.