Tahriibayaal Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Yeman

Warark laga helayo xuduuda ay wadaagaan Yem,an iyo Sacudiga ayaa waxa ay sheegayaan in tahriibayaal Soomaaliyeed oo safar ahaa in la dilay.

Labo kamid ah tahriibayaasha Soomaaliyeed ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ciidanka ilaalada xuduudaha Sacuudiga waxaana guud ahaanb tahriibayaasha ay ahaayeen 42 qof oo 27 kamid ah ay yihiin haween.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo sidoo kale soo gaaray Soomaalida halkaasi ku safraysay, waxaana lagu waramayaa in dadka Soomaalida ah ay haatan gacanta ugu jiraan Ciidanka Sacuudiga.

Tahriibayaashan ayaa waxa ay ka baxeen Yeman, iyagoona ku sii wajahnaa Sacuudiga oo inta badan tahriib lagu galo.

Sidoo kale sanadkii hore ayay ahayd markii Tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeyn uu sacuudiga ka fuliyay Yeman.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.