Wakiilka Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Haysom ayaa waxa uu maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayuu la kulmay Mr Haysom waxaana kulankooda looga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Qoraal lagu daabacy qeybta Baraha Bulshada ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa mad madowga siyaasadeed ee dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen dagaalka Tukarraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo la isku soo qaaday sidii nabad waarta loogu heli lahaa Gobolka Sool.

Haysom ayaa todobaadkii la soo dhaafay booqanayay xarumaha dowlad Goboleedyada,waxaana uu la kulmay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.