Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo soo saartay amar ku socda madaxda Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo war saxaafadeed soo saartay maanta  ayaa looga hadlay doorashada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana uu u qornaa sida tan:

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.