Wafdi heer sare ah oo maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda wefdi heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas.ayaa maalinta Berri ah kusoo wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.