Maxaa faa’iido ah oo Soomaaliya ugu jira is-beddelka Geeska Afrika?

Kali Macaash (Relative gain) iyo Aan Wada Macaashno (Absolute gain) waa laba doodood oo liddi isku ah oo ay kala adeegsadaan labada figradood ee ugu faca weyn xiriirka caalamiga ah (Realism iyo Liberalism).

Maqaalkan waxa uu nuxur ahaan ku fadhin doonaa labadaas aragtiyood iyada oo ujeedku yahay in lagu dabakho fahanka guud ee ay bulshada Soomaaliyeed ka qabaan, natiijada ay ka filayaan iyo wal walka ka haya dhaq dhaqaaqayada xawliga ku socda ee Geeska Africa siyaasaddiisa ku soo korartay.

Hirarka iyo mawjadaha xawaareynaya ee Geeska Africa ka socda waxa ay la dhasheen sanadkan 2018 maadama bishii afraad is bedelkii ka dhacay Itoobiya uu laf dhabar u yahay.

Itoobiya waxa ay dooratay Raisul Wasaare da’yar, tamar badan oo siyaasaddiisu aragti ahaan u jan jeerto dhex dhexaadnimo (Liberal).

Tallaabooyinkii uu qaaday, cawaaqibyadii ka dhashay waa caam oo qormadan kama doodi doonto balse waxa ay xoogga saari doontaa dhaq dhaqaaqa ka socda gobolka iyo is diidooyinka siyaasadeed (Geo-politics-ka) gaar ahaan Soomaaliya waxa ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga dheefi karto (Immediate benefits).

Si aan u fahanno faa’iidooyinka ay Soomaaliya ka soo hali karto is dhexgalka sii xoogeysanaya ee gobolka, marka horre aan eegno macnayaasha ereyadan hoos ku xusan.

KALI MACAASH/RELATIVE GAIN

Waa aragti ku qotonta kali daneysi/macaash waxaa sidaas qaba aragtida REALISM-ka ee xiriirka caalamiga ah. Tusaale, haddii dowladda ku shaqeysa aragtidaas ay heshiis dhaqaale la gasho dowlad kale, haddii ay iyadu hesho 90% faa’iidada oo 10% soo haray ay hesho midda kale, kuma qanceyso oo wey ka baxaysaa!

 

AAN WADA MACAASHNO/ABSOLUTE GAIN

Waa aragti liddi ku ah tii hore oo wax isu quurid ku dhisan oo ay qabaan Liberalism-ka.Tusaale, haddii dal uu heshiis dhaqaale la galo wadan kale oo uu isagu helo 5% macaash-ka, 95% soo haratay midda kale hesho, wuu ka qanacayaa heshiiskaas.

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay tuhun badan ka muujiyeen heshiisyada iyo isu soo dhawaanshaha gobolka ka socda ee soo xoogeysana, dabcan ma aha arrin weecsan taas  waxa ay muujineysaa in ummaddu tahay kuwo feejigan oo aan ka kaftameyn masiirkooda. Hase ahaatee, marka lagu fiiriyo waxa gobolka ka socda il ah  “AAN WADA MACAASHNO (ABSOLUTE GAIN)”, waxaa kuu soo baxaysa in saddexda wadan Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya mid walba hadda ama mustaqbalka ka dhaw ka macaashi doonto.

Saddexdan qodob oo hoose ayey Soomaaliya ka faa’ideysaa dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda gobolka.

1.Ka dhex muuqaashada waxa meesha ka socda

2.Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannideeda

 

3.Amniga

Ka dhex muuqashada waxa socda

Soomaaliya waxaa guul u ah in ay door iyo go’aan ku leedahay waxa ka socda gobolkeeda iyada oo la wada ogyahay in dalalka qaar go’doon siyaasadeed ku galay dhaq dhaqaaqan.

Madaxweyne Madaxmed Cabdullaahu Farmaajo in uu door weyn ka ciyaaro qaabeynta iyo aayo ka tallinta masiirka gobolka waxa ay sare u qaadeysaa meeqaamka iyo saameynta dalka, ogow Djibouti qeyb kama ah waxa socda halka Uhuru Kenyatta daawade ka yahay dhacdooyinkan.

Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannimeed

Soomaaliya sanado badan waxaa cudur aan daawo lahayn ku ahaa faraglin shisheeyo oo dhinac walba ah; siyaasad ahaan, dhaqaale, dhaqan iyo wali diinba.

Itoobiya iyo Eritrea waxa ay ahaayeen kuwa ugu saameynta badan oo ay faragalintooda Soomaaliya ka soo kici weysay heer ay gaaraan in ay dagaalkoodii xuduudaha  u soo raraan Soomaaliya.

Sida ku cad heshiisyada la galay oo ay qaarkood durba dhaqan galeen, waxaa ku xusan in saddexda dal mid walba la ilaalinayo madax bannaanidiisa siyaasadeed, dhuleed iyo sharafkiisa qarrannimo.

Saddexda dal maanta isku baahi ma aha oo mid walba dano gaar ah iyo faa’iidooyin deg deg ah oo kala duwan ayey rabaan. Tusaale, Itoobiya waxaa riixaya dano dhaqaale oo Abiy Axmed culeyska iyo kulka ka jira gudaha dalkiisa waxa uu u rabaa dhaqaale uu ku dabiyo, Eritrea waxa ay dooneysaa in ay go’doonka ka baxdo oo laga qaado cunaqabateenada saaran. Hadaba, Soomaaliya waa maxay baahideeda ugu soo horreysa?

Maanta, Soomaaliya sida Itoobiya baahideeda kowaad dhaqaale ma aha, sida Eritrea go’doon ka bax kuma jirto balse waxaa ugu weyn xoojinta dowladnimadeeda iyo amniga.

Ilaa iyo hadda Soomaaliya is bedelka gobolka wey ka faa’iiday oo waxaa meesha ka baxay hoggaamiyeyaashii dowlad gobolleedyada ee u kala dhuuman jiray dalalka jaarka ah, taas waxa ay sahli doontaa in Soomaaliya hesho dowlad dhexe oo dalka oo dhan ka Talisa si ay u mideyso qorsheyaasheeda dhaqaale, siyaasad iyo amni.

Amniga

Shaki kuma jiro in dowladaha gobolka door weyn ku lahaayeen amni xumada dalka; haddii ay ahaan lahayd hubeynta jabhadaha, kooxaha dowladda ku kacsan, kuwa iyaga is dilaya ee is diidan iyo arrimo badan oo kale.

 

Soomaaliya dabcan, haddii la wada dhaqan galiyo qodobada lagu heshiiyo, waxa ay heli doontaa fursaddii ugu dahabi saneyd ee soo marta tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe si ay dib cageheeda isugu taagto.

Dabcan, waxaa jira dodo badan oo ka dhalanaya heshiisyada la galayo saameynta dhaw iyo fog ee ay yeelan karaan, jiritaanka ajande siyaasad arrimo dibadeed oo qeexan dowladda hadda jirta ma leedahay, sidee ku dhici kartaa dal aan xuduudihiisa gacanta ku wada hayn in uu heshiiyo dhaqaale xor ah galo? dhammaan doodahaas iyo cabsidaas waa kuwa jira balse waxaa Iyana is weydiin mudan madaxdu intaas oo dhan ma garan waayi doonaan oo si fudud miyaa la qaldi doonaa?

Gunaanad, iyada oo ay waajib tahay in go’aanada qaar si wadajir ah loo waajaho, hadana waxaa lagama maarmaan ah in bulshu ka soo kabaneysa burbur 30 sano ah in ay siyaasadeeda ku saleyso aan wada macaashno halkii ay ku jaan goyn lahayd kali macaash  oo ay badan tahay waxa ay iyadu ku weyneyso.

W/Q: Mohamed Musa Aden

Email: Muhamedkaafi@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.