Shacabka magaalada Gaalkacayo oo maanta dhigay Banaabax abaabulan

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaa saaka ka dhacay Banaanbax saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo Ganacsiga Magaalada.

Banaanbaxan oo ay ka qeyb galeen Dad u badan Haween iyo Carruur ayaa waxaa ay gubayeen taayarrad Gaadiidka iyaga oo xiray jidadka qaar ee Magaalada taas oo adkeysay isu socodka.

Dadkan ayaa ka careysan Xukun dil ah oo Maxkamad ku taalla Puntland ay ku ridday Nin magaciisa lagu sheegay Cabdirasaaq xuseen Tahliil.

Ninkan ayaa Ciidamada Amaanka Puntland waxaa ay kala baxeen Guri uu ka degganaa Gaalkacyo,waxaana Maxkamaddu sheegtay in dil lagu xukumay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.