Itoobiya marna codsi u qoro marna cambaaree qoraal ku socda madaxweyne Farmaajo

Baraha xidhiidhka bulshada waxaa ayaamahan ka socday dood ahayd mid la filayay laakiinse dadka qaarkii doodoodu ay aad xaqiiqda ooga fogayd, kolka la eego dooda biyo-dhaceeda. Doodaas waxay ku saabsanayd aragtida ummadda Soomaaliyeed ay ka muujiyeen safarada is daba-jooga ah & heshiisyada dhex maraya madaxdeena gaar ahaan madaxwaynaha & dawlada Ethiopia. Doodaas kolka la barbar dhigo doodihii kal hore laga yeeshay safaro kuwaan lamid ah oo isla dalkaas (Ethiopia) uu ku tagay madaxwaynaheenii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la is weydiin karaa maxay ku kala duwanyihiin Ethiopia-yadii aan booqashadeeda shalay madaxdeena ku cambaarayn jirnay & Ethiopia-da aan maanta booqashadeeda & heshiisyada hagoogan ee lala galayo madaxda maanta ku amaanayno

 

Jawaabta saxda ah & aragtida ay qabaan inta la socota sooyaalka taariikhda & siyaasada Ethiopia waxaa hubaal damaca & danta siyaasadeed ee Ethiopia ay ka leedahay dalkeena inaysan jirin wax iska badalay, balse dadka aan la soconin sooyaalka taariikhda ee iska daba hashleeya dhacdooyinka kolkaa muuqda ee “indha-sarcaadka ah” ayaa la odhan karaa hadba sida ay jecelyihiin ayay u fasirtaan inay tahay sida ugu saxsan.

Damaca ay Ethiopia ka leedahay badda & barriga Soomaaliya ma aha mid maanta biloowday ee waxa uu soo socday muddo dheer oo qarniyaal ah, waxayse fulintiisu bilaabatay sanadkii 2004 shirkii Soomaalida loogu qabtay Embagathi Kenya. Laga soo bilaabo xiligaas ilaa maanta waxaa socda wax la odhan karo biloowga dhamaadka midnimada ummadda Soomaaliyeed & magaca la yidhaahdo Soomaaliya. (Alle kama dhigo, ummadda badankeedna ogolaan mayso, waase sida ay iyagu nala damaceen) mudada intaa le,eg damaca & danta Ethiopia ay ka leedahay dalkeena haba yaraatee ma jiraan wax iska badalay, is-badal walba oo Ethiopia ka curtana waxuu raacaa qariirad hore & qorshe ay dajiyeen boqortooyooyinkii soo jireenka ahaa ee dalkaa soo maray, balse waa laga yaabaa wajiyada ay madaxdoodu kula dhaqmayaan madaxdeena inay kala midabo duwanyihiin.

Waxaa xusid mudan in ummaddeena la xasuusiyo sheegashada ay Ethiopia sheeganayso gayiga Soomaaliyeed inay tahay “oday-ka-sheekee” oo aysan ahayn mid ugub ah. boqorkoodii “Menelik” ayaa shirkii qaybsiga Afrika ka yidhi xaduuda dhulkaygu waa bad-waynta Hindiyo, sidaa si lamid ah waxaa isaguna shir ka sheegay “Haile Selassie” dhamaan hoggaamiyaashii ka dambeeyayna waxaaba la odhan karaa waxay sii dheeryihiin hadal ay kuwii hore ku dhiiran waayeen oo ah ku tiraabida erayga “Soomaaliya & Ethiopia aayaha dambe waxay noqon doonaan hal dal, oo hal baasaboor & hal madaxwayne leh” waxaan filayaa inaad marar badan maqasheen erayadaas, balse maanta lagu dhiiraday in madaxdeeni oo taagan dhagahooda lagu dhibciyo hadalkaas si loo tijaabiyo dareeenkooda & kan shacabka ay matalaan.

Soomaalida aan la soconin wadciga & waayaha ayaa hadaladaas u qaata horumar & wanaag. Waxaanse odhan karaa Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Naagtaada nin raba gabadhayda ayaan ku siin laguma karo”

Taariikhdaa sugan ee sababaysan kolka aan eegno soow lama odhan karo damaca & danta siyaasadeed ee Ethiopia waxba iskama badalin? ee aragtida siyaasiga Soomaaliyeed ee is bad-badasha ayaa ku salaysan “Ethiopia marna cambaaree, marna codsi u qoro” taas oo macnaheedu yahay hadba koox siyaasiyiin ah oo ka maqan xayn-daabka siyaasada ayaa ummadda inteeda kale u garaaca durbaan “Ethiopia” nacayb ah, si ay ugu soo fuulaan sallaanka siyaasada. Balse waxaad moodaa maanta waxii ka dambeeya in albaabkaas uu soo awdmay, waayo dhacdooyinka siyaasadeed ee mudooyinkan dambe dalkeena ka dhacayay waxay na bareen in siyaasiyiinta saaxada siyaasada kusoo gala af ama adin kala dagaalida Ethiopia ay aakhirka u xuub-siibtaan saaxiibada dhabta ah ee Ethiopia.

Hadal & dhamaantii qurbaha dadkii tagay mid kamid ah oo kolkaa magaalada ku cusbaa ayaa maalin raacay dad raadinaya “Hilib xalaal ah” dhawr meelood oo ay isku mareen ayaa hilibkii yaalay lagu yidhi “maya” xalaal ma aha, goor dambe ayuu kawaanle ku yidhi “haa” waan hayaa hilib xalaal ah, ninkii isagoo yaaban ayuu yidhi anigu hilibkan iibsan maayo, kolkii sababta la waydiiyayna waxa uu yidhi, xageed ku arkeen Hilib gaalo isku diin ah ay gowracday oo qaarkii xalaal yahay, qaarka kalana xaaraan yahay? Waxaan arartaa oola jeedaa aragtida dadka qaarkii ay qabaan ee ah in maanta ummadda Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo waxaa la helay Ethiopia xalaal ah.

 

Aniga oo had & goor soo dhawaynaya horumar & heshiis walba oo gobolka ka hana-qaada, hadana waxaa lama huraan ah in hoggaamiyaha Soomaaliyeed had & goor uu ka feejignaado heshiisyo hagoogan oo uu kaligii si hoose oola galo madaxda Ethiopia, halka ay hubaashu tahay in heshiisyada la galayo loo talo badsado, dhanka kale hadii aan hadalka u dhigo, dadka aragtidoodu tahay in maanta la midoobay oo is-badal uu ka dhacay geeska Afrika, aan idin waydiiyee aaway walaalaheen Jabuuti? Hadii sawirka muuqda aal lagu misaamin laba wada dhalatay & diggood, Soow waxa meesha ka socda ma aha in dhulkoodi & dhiigoodi loo xalaaleeyay kuwa isku abtirka ah ee laba magac uun kala wata, dadkaas macnaha & ujeedkoodu soow noqon maayo, waagii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagay Ethiopia xaaraan ayay ahayd, balse maanta ayay xalaaloowday. Hadaba hadaad aragtidaa qabto hal ogoow Ethiopia waa mid ee adiga & inta aragtidaa qabta ayaa mala-haboowsan, Soomaaliyana waxaa u hadhi doona kuwa caddaaladda aan ka tegin, aragtidooduna had & goor ay hal meel tahay.

Guntii & gabagabadii ummadda Soomaaliyeed hal ayay is waydiinaysaa, kuwii sanad & xoogaa ka hor qaylin jiray sida Sakariye Xaaji, Tarsan, Salaad Jeelle (isagu mar walba waxa uu ahaa abaanduulaha Ethiopia aaminsan) oday Maxamed Cabdi Yuusuf, abwaan Cabdi Shire & qaar kale oo badan oo aanan halkan kusoo koobi karin toloow maanta maxay ku qanceen? Taariikhdu waa dhacdo ku dhaaftay.

Hal kale oo aan iloobay aan ka daba geeyo,dhaqanka soo jireenka ah ee hoggaamiye ummaddeed sida lagu yaqaano waxay ahayd in hoggaamiyaha kolka uu dalka dib ugu soo laabto ee ka yimaado safarkiisa shaqo inta hoygiisa uusan tagin in ummadda uu la hadlo, ugana sheekeeyo safarkiisi shaqo si ummaddaas uu ooga baxo dareenka ay ka qabi karaan heshiisyada hoggaamiyuhu soo galay & waxa uu ku saabsanaa safarkaas, sidee ayay ku dhacday in had & goor madaxwaynaheena kolka uu shaqo kasoo laabto sidii manxiiskii gurigiisa loo galbiyo isaga oo aan gudanin waajibaadkiisi hadal jeedinta ummadda?

Axmed Maxamed Xasan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.