Muxuu yahay qorshaha USAID ay ka leedahay gabdhaha Soomaaliyeed?

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

Shanta  milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan  loogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa  ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.