Guddiga Doorashada maamulka Koofur Galbeed oo la ansixiyay

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta kulanka ku yeeshay Golaha Baarlamaanka maamulkaas, waxaana looga doodayay xubnaha Guddiga doorashada madaxtinimada,iyada oo doorashadii maamulkaas ee maanta dhici lahayd dib u dhacday.

Xildhibaanada kalfadhiga maanta xaadiray waxaa ay gaarayeen 138 Mudane, 134 codka kal soonida ayeey siiyeen Guddiga doorashada oo ka booban 15 xubnood,waxaa ka aamusay labo xildhibaan halka ay labo kale diideen.

Guddigii kan ka horreeyay ayaa gaarayay 27 xubnood,kuwaas oo badankood is casilay markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed ayaa dib loo dhigay muddo labo todobaad ah iyada oo aan wax Taariikh ah la qaban.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.