Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya,155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.