Mootooyinka Bajaajta ee deeganada Puntland ka howlgala oo waqti loo qabtay

Jeneraal Muxudiin Axmed  Taliska ciidanka Booliiska Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu digniin u diray

Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala  Deegaanada maamulka Puntland ayaa digniin loo mariyay warbaahinta, xili uu Taliska ciidanka Booliiska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed sheegay in uu waqti uu qabtay.

Amarka ayaa waxa uu sheegayayaa in wixii ka dambeeya 11-ka habeennimo aanay shaqeyn karin Mootooyinka Bajaajta.

Taliyaha Booliiska Puntland ayaa xusay in wixii waqtigaasi ka dambeeya haddii ay arkaan Bajaaj socota ay la wareegi doonaan.

Bajaajta qaar ayaa waxa uu sheegay taliyaha in  lagu qaado waxyaabaha maanka dooriya, isagoona sheegay  in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.