Gudoomiyihii Barlamaanka Soomaaliya gaaray magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa gelinkii dambe ee maanta gaaray guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed, ayaa soo dhaweeyay mudane Jawaari iyadoo ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Mudane Jawaari ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo in masiirka shacabka Koonfur Galbeed uu ku jiro gacanta xildhibaanada baarlamaanka, ayna xor u yihiin inay doortaan cidda ay doonaan.

Maalmo kooban kadib  magaalada Baydhabo waxaa ka dhaceysa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo guddiga doorashada aysan wali bilaabin qabashada araajida musharixiinta Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro socdaalkiisa  doorashada Koofur Galbeed, waxaana uu kulamo la qaadan doono xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed. ma cadda musharaxa uu taageersan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.