Sidee Somaliland u aragtaa Qunsulkii Itoobiya ay kala baxday Hargeysa?

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Somaliland aysan waxba iska beddelin, kadib markii qunsulkii Itoobiya ee u fadhiyay Hargeysalooga yeeray Magaalada Adis ababa ee Caasimadda dalkiisa.

‘Xiriirka Somaliland iyo Itoobiya waa sidiisii,waxaana ay ka mid tahay isbeddelka hanaanka Diblomaasiyadeed in beddelkiisii la soo magacaabo ayaan rajeyneynaa” ayuu yiri Liibaan Yuusuf Cismaan.

Warbaahinta Soomaalida ayaa Todobaadkan qortay in qunsulka la beddelay ay la xiriirto heshiiskii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay magaalada Baxardaar kula saxiixatay Itoobiya iyo Eritrea,kaas oo dhowrayay midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *