Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Mukhtaar Roobow oo helay shahaadada Musharaxnimo+Sawirro

Musharaxiinta madaxtinimo ee maamulka  KOONFUR GALBEED Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) iyo Muqtaar roobow Cali Abuu Mansuur  ayaa maanta ka gudoomey gudiga doorashada Shahaadada ka qeyb galka Doorashada madaxweynaha koonfur galbeed oo dhici doonta 5December.

Guddiga Cusub ee Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta bilaabay  Shaqooyinkooda,waxa ay sidoo kale dhawaan diiwaan gelin doonaan musharixiin kale oo dhowr ah.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur  ayaa waxa ay sheegeen inay dib u cusbooneeysiiyeen Shahaadadii uu horay u qaatay Muqtaar roobow,waxaana uu horay uga qaatay  Xubnihii is casilay ee Guddiga doorashada.

Diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sirasmi ah Maanta Magalada Baydhabo uga bilaabatay,waxana ay ku egtahay Maalinimada berito ah ah oo ku beegan  26/11/2018.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.