Midowga Yurub oo ogolaaday  heshiiska ka bixitaanka Britain

Waxaa 27-ka  xubnood ee ka tirsan Midowga Yurub ay oggollaadeen  heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midowga ee loogu magac daray( Brexit) sida uu ku dhawaaqay madaxa Midowga Yurub Donald Tusk.

Donald Tusk oo hadal kooban ku qoray boggiisa Twitter ka ayaa waxa uu ku yiri”27-ka xubnood ee Midowga Yurub waxay taageereen Heshiiska ka Bixitaanka iyo Baaqa Siyaasadeed ee mustaqbalka xiriirka EU-da iyo UK,”.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Yurub ayaa waxay maanta oo Axad ah kulan ku yeesheen magaalada Brussels si ay u dhamaystiraan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Waxa Heshiiska kama dambaysta ah ee dhinaca uu la kulmi doona inay u codeeyaan golaha baarlamanka Britain iyo Baarlamaanka Midowga Yurub.

Briitain ayaa waxay qarka u saaran tahay inay ka tagto Midowga Yurub intiisa kale marka la gaaro bisha Mars 2019 ee kal damba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.