Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay kala diristii guddiga maaliyadda

Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysay ka hadley kala diristii guddiga maaliyada baarlamanka ee uu sameeyey gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegey in uu dib  u eegi doono go’aanka kala dirista gudiga maaliyada, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay xeer hoosaadka barlamanka.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa ka hadlay Ciidankii shalay la geeyay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mudane Mursal waxa uu sheegay  in ay tahay wax laga xumaado xilli Ciidam badan ay ku sugan yihiin Baydhabo in ciidan laga daabulo Muqdisho, waxaana uu sheegay in lagula xisaabtami doono cidii wixii ay geystaan cidii halkaasi ku daabushay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.