Baarlamaanka Soomaaliya oo ka cabsi qaba in lakal diro

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa Xukuumadda wuxuu ku eedeeyay inay wado qorshe ay ku bur burinayso Xildhibaanada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka tan iyo markii ay soo gudbiyeen Warbixintii la xiriirtay musuq maasuqa ay la kulmeen Caga jugleyn iyo handadaad, sidoo kalena uu socdo qorsho lagu bur burinayo Baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay wado qorshe iyada u gaar ah, kaasi oo culeesaad kala duwan lagu saaraayo Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya.

“Waxaan arkeynaa in uu socdo qorshihii lagu bur burin lahaa Baarlamaanka,oo guddiga miisaaniyadda qaarkood loo hanjabay,laakin waa in sida sharciga iyo xeerka uu qabo in la raaco, balse hadii sidaan lagu sii socdo bur burin ayaa ku socota Baarlamaanka Haddii aan lagu fakan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sheegay in hanjabaad uga timid Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya wallow Xukuumaddu weli ka hadlin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.