Balad-xaawo oo lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada dowladda

Kooxo hubeysan ayaa degmada Beledxaawo ku dilay Xalay goor dambe Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad suggida maamulka Jubbaland.

Dilka ayaa waxaa geystay Kooxo hubeysan oo la sheegay in dib ka dib goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Cabdi Qani Axmed Faarax  Waxaa  Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo,waxaana la sheegay in la dilay u soo socday Xaafadda oo ku taalla Bartamaha degmada Beled Xaawo.

Kooxda dilka ka geysatay ayaa horay u sii qaadatay qori Ak47  ah  oo uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi.

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa howlgal ka wadda Magaalada Beledxaawo ,waxaana ay baadi goobaayaan kooxihii dilay Sarkaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.