Sidee looga hortagi karaa abaaraha soo noqnoqday?

Isbadallada cimilada waxey inta badan dhibaato ka soo gaarto dadka ku nool dalalka caalamka gaar ahaan kuwooda aan laheyn kheyraad dabiici ah.

Soomaaliya waxey kamid tahay dalalka uu Ilaah ku nimceystay kheyraad dabiici ah iyo dhul caro-san ah kuna dhirirsan badweynta Indian Ocean,dadkeeduna waa beeraley iyo kaluumeysato.

Abaaro baahsan ayaa dalka ku dhuftay xiliyo kala duwan kuwaa oo sahayday nolosha xoolo badan oo Soomaalidu laheyd gaar ahaan kuwa miiga, sidoo kale waxey abaaraha meesha ka saareen tacabkii beeraha oo dadku ku noolaayeen, taa oo  sababtay iney u soo guuraan deegaanada dhaca magaalooyinka dalka sida caasimadda Muqdisho.

Abaaraha ku dhufta gobalada dalka waxey inta badan sababaan sicir barar iyo in dadku ay ka muuqato diif aad u daran, iyadoo aysan jirin qorshe dhab ah oo dadka Soomaaliyeed kaga gaashaantaan abaaraha halista ah.

Hay’adaha Qaramada Midoobay waxey sheegeen in 4.2 Million oo qof iney wajaheen xaalado gaajo ah kadib markii sanado badan wax roob ah uusan ka da’in dalka.

Kaalmo shisheeye ayaa lagu quudiyaa dadka dhibaatada ka soo gaarto abaaraha balse waxaa muhiim ah in la helo qorshe Soomaalida ka caawinaya iney iyagu wax isu qabtaan.

Maadama dhulka Soomaaliyeed uu yahay mid barwaaqo ah, waxaa haboon in aad loo balaariyo tacabka beeraha xiliyada aysan abaarta jirin, si markii abaarta dhacdo loogu baxsado dalagyada ka soo go’a.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo kanaalo waa weyn oo biyaha lagu keydiyo kuwaa oo suura gelin kara iney nafta ku ceshtaan dadka iyo xayawaanadka.

Waxaa kaloo jirta in siyaabo badan looga faa’ideysan karo deegaanka sida in dhir badan la abuuro, waxaana loogu baxsan doonaa waxyaabo badan marka ay abaari ku dhufato dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.