Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo lagu qarxiyay gaarigiisa

Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Waaxda March ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu qarxiyay gaari uu watay Wariye Ismaaciil Sheekh Khalifa.

Dhaawaca wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa loo qaaday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in wariyaha uu aad u dhiig baxay .

Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa horay u ahaa Agaasimaha Idaacadda Star FM.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.