Tarsan oo noqday safiirka Soomaaliya u fadhin doonaa dalka Kenya

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ku kulmay saiirka Soomaaliya u magacowday dalka Kenya Mudane Maxamuud Axmed Nuur oo horay u ahaa duqii Muqdisho iyo Gudoomiyihii gobalka Banaadir xiligii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qaabilay safiirka kana gudoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo, waxaana uu kulanka ka dhacay madaxtooyada Kenya.

Tarsan ayaa waxaa uu horay u ahaa Lataliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa uu ka mid ahaa danjirayaal dhowr ah oo dhowr bilood ka hor ay magacowday Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.