Golaha Aqalka Sare oo ka doodaya maanta xeer ansixintiisa uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta  kulankii 10aad ee kalfadhigooda 4aad,waxa ay kaga doodayaan hindise sharciyeedka Hay’adda Naafada Qaranka.

Hindise sharciyeedkan waxaa 17kii Bishii la soo dhaafay ee November u ansixiyay Golaha shacabka ee Soomaaliya.

Hindise sharciyeedka Hay’adda Naafada Qaranka ayey maanta gelin doonaan aqrinta 1aad,waxaana uu mari doonaa ilaa saddex Aqrin,halkaas oo ay kaddib cod u qaadi doonaan.

Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul Insaanka  ee Golaha Shacabka Xaawo Yuusuf, ayaa sheegtay in marka la sameeyo hay’addan ay kaliya ka shaqeyn doonaan dadka lixaadkooda dhimanyahay.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin, ayaa kal hore golaha shacabka ka hor sheegtay in xukuumadda ay hay’addan u aragtay muhiim sidaas darteedna loo sameeyay.

Maalintii naafadda adduunka oo oo ku beegneyd 1-da December munaasabad uu ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo,waxa uu kaga dalbaday Golaha Aqalka Sare iney si deg deg ah u ansixiyaan hay’adda Naafada Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.