Gudoomiyaha Aqalka Sare oo kulan hor dhac ah la qaatay Axmad Madoobe

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Maamulka Kismaayo oo wada jira iyo madaxweyne Madoobe aya awaxa sheegeen  in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdigan oo waliba si gaar ah u matalaya Dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Axmad Madoobe wuxuu sheegay oo kale in Dhismaha wadanka iyo howlaha soo noolaynta rajada ay masuul ka yihiin Aqalka sare iyo odayaasha waayo araga ah ee aan lagu halayn qof ama koox gaar ah oo aan marxalada wadanka wax badan kala socon iyo halka laga yimid.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu kismaayo yimaado burburkii kadib waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta yimaado iyadoo nabadgalyo iyo Dowladnimo ay ka jirto.

Mudane Xaashi waxa  uu rajaynaynayaa  in Midnimada iyo nabadgalyada dalka oo dhan la gaarsiiyo maamulada kale si Soomaaliya oo dhan ay u gaarto oo wadan xasilan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.