Isbadalka Geeska Africa: Madaxweynaha Jabuuti oo ku sugan Itoobiya

Wafdi uu hogaaminayo mmadaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa manta gaaray magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya, waxaana la socda madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda iyo Ismaamulka Oromada Itoobiya ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, halkaa oo sidoo kale kulan ku leeyihiin madaxda.

Madaxda Saddexda dal ayaa ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Cusub ee dhawaan ka bilaawday wadadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa ay ka qeyb geli doonaan Bandhiga Dhaqameedka Sanadlaha ee Qowmiyadaha Itoobiya ee ka dhacaya Magalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.