Shir sanadeedka Haweenka Xildhibaanada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka socda+Sawirro

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shir ay leeyihiin haweenka xildhibaanada ah ee Soomaaliyeed kuwooda Aqalka Sare iyo kan golaha Shacabka, waana shir sanadeedkii labaad ee haweenka xildhibaanada qabsadaan.

Shirka waxaa shalay daahfuray Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka socota dowladda Soomaaliya.

Shirka oo maalintiisi labaad ka socda Magaalada Muqdisho, waxaa maanta ka soo qeybgalay wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, sidoo kale waxaa goobjoog ka ah gudoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa qudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa jeedinaya haweeneyda lagu magacaabo Vera Baboun oo ah maayarkii hore ee dagmada Bathlehem ee dalka Falastiin, iyadoo ka hadleysa sida haweenka uga gudbi karaan caqabadaha ka hor isaagi kara ineysan horumarin.

Shirka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa arrimaha haweenka iyo xuquuqda dumarka, iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hadda taagan, xaaladaha ay ku noolyihiin iyo doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadan qarto sidii haweenka qoondo fiican uga heli la haayeen siyaasadda dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.