Maxaa kala socotaa xaaladda Mukhtar Roobow iyo jawiga magaalada Baydhabo?

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxa ay sheegayaan in diyaard gaar ah looga soo qaaday magaalada Baydhabo islamarkana hadda uu ku xeranyahay magaalada Muqdisho.

Wararku waxey sheegayaan in taliska NISA lagu wareejiyay Mukhtar Rooboow balse si cad looma oga halka hadda lagu hayo, maadaama diyaarad gaar ah looga soo qaaday magaalada Baydhabo, waxaase jirta in la jirdilay walibana uu dhaawacnyahay.

Sidoo kale waxaa jira in rabshado ay ka dhaceyn Baydhabo markii laga war helay in Rooboow la xiray, waxaana ku dhintay ilaa shan ruux oo shacab ah.

Sida ay tabineyso warbaahinta gudaha waxaa hadda dagan xaaladda magaalada Baydhabo iyadoo xili walba la filan karo rabshado khasaaro dhalin kara oo ay abuuraan taageerayaasha Rooboow.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xariga Roobow waxey sheegtay in uusan si sax ah uga bixin fikirkii uu kaga tirsanaa Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.