Maxey Soomaaliya kaga dhigantahay booqashada Madaxweynaha Eretria+Sawirro

Xiriirka ka dhaxeeya Labada Dowladood ee Soomaaliya Eretareeya ayaa waxa aan ka xusi karnaa in Soomaaliya ay waligeedba ay taageero u fidin jirtay Dadyoowga la gumeysto, ayna ka mid tahay Eretareeya, waxayna Xifiis ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, uuma Madaxka ahaa Madaxweynaha haatan ka taliya ee Esaay afawerke, islamarkaana wax ku bartay, kana qalin-jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse markii Dalkeennu uu bur-burka ka dhacay, iyagiuna ka go’een Itoobiya ayaa xiriirkaasi isbedelay.

Muddo sanado ah xiisadihii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eretaria ayaa si weyn u saameeyay Soomaalida , iyadoo labadaasi Waddan uu midba midka kale taageero Militari siiyo midba midka midka kale eek a soo horjeeda eek a jiray Soomaalida, iyadoo Xukuumadda eretaeria ay si weyn u taageertay Maxkamadihii Islaamiga ahaa inta aysan meesha ja saarin Xukuumadda Itoobiya sanadkii 2006-kii, waxaana Dowladeda Eretaria la saaray cuneqabteyn dhanka Hubka ah, kaasi oo uu saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, colaadda Soomaaliya awgeed, waxaa kaloo markii dambe lagu eedeeyay inay taageeromilitari siiso Kooxda al-shabaab.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara, waxaana si weyn iskula jeexjeexeen sidii looga shaqeyn lahaa horumarka iyo xiriirka diblomaasiyeed ee seddexda dal.

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kulan saddex geesood ah ku soo gabagabeeyay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya waxayna ka wada hadleen sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen heshiiskii bilooyin ka hor ay ku kala saxiixdeen Eritrea, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay heshiiyadooda waayo waxaa la sheegay in uu dhammaanayo colaadda ka taagan geeska afrika, ayna qaadan doonaan nabad, loona dhaqaaqo arrimaha dib u kobcidda dhaqaalaha iyo is dhexmarka Bulshooyinka wadamadaasi.

 

10-kii bishii Nofember ee sanadkan Madaxda 3-daasi Dal ayaa magaalada Gonder ee Wadanka Itoobiya waxay shir seddex geesood ah oo ku saabsan danaha seddexda dal kala yeesheen Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, kaasi oo ay ka wadahadallada ay yeesheenna waxaa ka mid ahaa heshiisyada Seddex geesoodka ee ay seddexda dal horay u gaareen sida loo meel mariyey, iyagoo isla meel dhigay heshiisyada ku saabsanaa iskaashiga dhaqaale iyo meel marinta qorshayaasha nabad ilaalinta sidi ay isaga kaashan lahaayeen inuu meel fiican maraya.

Waxaa kaloo jira in Magaalada Asmara ee Wadanka Etretareya dib looga furay safaaraddii ay Soomalidu iyo Itoobiya ku lahaayeen Dalkaasi, waayo Safaaradaha waxa ay astaan u yihiin xiriirka labo dal, marka laga hadlayo labada dal ee dirirta culus ay dhexmartay ee Itoobiya iyo Eritrea, safaaradahooda waxa ay ahaayeen kuwa xiran muddo 20 sano ah.

Ma jirto meel ka habboon oo looga tusaale qaadan karo sida uu u duugmay xiriirka dibloomaasiyadeed ee labada dal ah iyo dagaal qaraar dhex maray Itoobiya iyo eretareeya, kadib markii xukuumadda Dalkaasi lagu eedeeyay inay taageerto kooxaha argagagixisada, balse markii dambe ay laga qaaday, taasi oo ay codsadeen Wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya, Sawiradda laga qaaday safaaradaha ayaa ahaa kuwa muujinaya inay u baahan tahay guriga safaaraddu dayactir weyn, maadaama aysan jirin cid halkaasi jaan dhigtay tan iyo intii safaaradaas la xiray 20 sano ka hor.

Madaxweynaha Dalka Eretrea, Issias Efowerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

Madaxweyne, Efowerki, iyo wafdigiisa ayaa salaam sharaf ka qaatay Cutubyo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qeybta Baambayda, kadib ayaa loo soo gudbiyo Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda ugu sarreysa Dalka, waxaana jira in Amaanka magaalada Muqdishosi weyn loo adkeeyay, iyadoo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amaanka lagu arkayo wadooyinka, islamarkaana si weyn loo nadaafiyay Waddooyinka Magalada.

Booqashadin ayaa ah mid Taariikhi ah, taasoa ah middii ugu horreysay ee Madaxweyne ka socda Dalka Eretrea uu ku yimmaaddo Dalka Soomaaliya, waxanay tallaabbadani qeyb ka tahay dadaallada is-dhex galka siyaasadeed iyo tan Bulsho ee waddamada Geeska Afrika, waana mid dib loogu soo celinayo Xiriirka labada dowladood iyo mid bulsho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.