Wararkii ugu dambeeyay Mukhtar Roobow oo lagu xiray magaalada Baydhabo

Ilo ku dhow Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegaya in xariggiisa uu ahaa qaab shirqool ah.

Waxaa ay sheegeen in Mukhtaar uu ka mid ahaa musharrixiinta Koofur Galbeed oo lagu ballamiyay Madaxtooyada maamulkaas.

Inta badan Musharrixiinta madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa ballamiyay C/Qaadir Shariif Sheekhunaa oo ah ku simaha Madaxweynaha sidoo kalena ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Qof ka mid ah Xogheynta Abuu Mansuur ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in Iridda Madaxtooyada markii uu marayay lagala degay gaariga,kaddibna halkaas lagu jir dilay lana ka xeystay.

Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka socda Rabshado ka dhashay Xarigga Abuu Mansuur,waxanaa sidoo kale la sheegayaa in magaalada laga maqlayo rasaas ka dhaceysa meelaha qaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.