War Deg Deg Ah: Isgaarsiinta magaalada Baydhabo oo dib loo soo celiyay

Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa wax aya sheegayaan in dib loo soo celiyay qadka isgaarsiinta oo hawada ka maqnaa dhowr saacadood.

Waxaa wararku ay xaqiijiyeen in hadda si caadi ah shacabka u adeegsanayaan Isgaarsiinta, iyadoo maamulka hadda gacanta ku hayo magaalada Baydhabo ay aad kaga walwaleyn maqnaasha Isgaarsiinta.

Warbaahinta ayaa sidoo kale ogaatay in Isgaarsiinta markii hore loo jaray si looga hor tago falal amni darro iyo dibadbaxayo abaabulan balse aysan taa hor joogsan dibadbaxyada oo maanta meelo kala duwa ka dhacay.

Banaanbaxayaal careysan ayaa waxay weerar ku qaadeen shirkadda Hormuud waxaana warar aan la hubin ay sheegayaan in mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi lagu dilay waxaana ay dadka ka xumaadeen maxaad Khadka Internet-ka loo jaray  waxaa kaloo intaa dheer dad aan tiradooda la qiyaasi karin in ay ku xiran yihiin saldhigga magaalada Baydhabo.

Baydhabo ayaa hadda  dagan marka loo eego xaaladii shalay jirtay deganaanshu wuxuu ku yimid markii khadka taleefoonka la wada jaray dhamaan shirkadaha isgaarsiinta oo hadane dib loo soo celiyay

Wixii warar ah eek u soo kordha xaaladda Baydhabo waan idiin soo gudbin doonaa Insha’allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.