Madaxweynaha Puntland oo kabaxay ballan uu qaaday Afar sano ka hor

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiewali Maxamed Cali Gaas oo waqtiga xilheyntiisa sii dhamaaneyso maanta xaflad uu ku qabsaday magaalada Garoowe waxa uu shaaciyay hadal laga sugayay balse ballan kabax ah.

Cabdiwali Gaas ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxtinimo ee doorashada soo socota, waxaana uu soo bandhigay wax qabadkiisa isagoo sheegay in wax badan uu sii qaban doono.

Horey ayuu madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas u sheegay in uusan u tartamayn doorashada madaxtinimo ee Puntland sanadka 2019 hase ahaatee waxaa si tartiib tartiib marba marba ka dambeysa usoo ifbaxayay damaca uu madaxweyne Gaas ku doonayo in mar labaad uu u tartamo doorashada Puntland ee la filayo in ay dhacdo siddeeda January.

C/Weli Gaas ayaa Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu qabtay 8 bishii Koowaad ee Sanadkii 2014,waxa uuna Xilkaasi hayaa Mudo 5 sano ah.

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa ku biiraya in ka badan 30 Musharax oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland, doorashada la filayo inay dhacdo 8 Bisha 1aad ee Sanadka 2019.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.