Ifrah Foundation iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo kulan yeeshay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ifrah Ahmed oo ah madaxa ururka Ifrah Foundation ee u dooda xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan ka hortaga Gudniinka Fircooniga iyo xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha xuquuql Insaanka iyo ka qeyb qaadashada dumarka ee Siyaasadda dalka.

Ifrah ayaa sheegtay in u qaabilsanaha Qaramada Midoobay Soomaaliya iney ka go’antahay taageeridda haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiso sharciga gudniinka gabdhaha oo hadda ay wado wasaaradda Haweenka iyo arrimaha xuquuql Insaanka marwo deeqo Deeqo Yaasiin.

Ifrah Foundaion ayaa aad u soo dhaweysay sharciga lagu doonayo in lagu xakamiiyo gudniinka jarjarka xubnaha taranka ee gabdhaha iyadoo sheegtay in muhiimad gaar ah uu leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.