Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaaqay inuu qaadayo dagaal culus

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku labisan dareeska ciidanka ayaa safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole oo  Saldhiga u ah Ciidanka Darawiishta maamul Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo Safarkan uu ku wehelinayay Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland janaraal Aadan Maxamuud Ibraahim waxaa uu halkaas kula hadlay Cutubyo katirsan Ciidamada jiida hore ku sugan isagoo sheegay in la qaadi doono howlkii ugu danbeeyay oo Jubbaland ay dhulkeeda ku xoraynayso.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in isku furida Magaalooyinka xorta ah iyo xoraynta kuwa aan wali gacanta ku jirin ay isku mar noqon doonto dhamaan Ciidamada kala duwana ay heegan buuxa ku jiraan isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay wax wanaagsan oo lagu faano in ay Ciidamada Soomaalida kaliyah duulaan qaadi karaan oo ay dhulkooda xorayn karaan.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in cabdalla Biroole deeganada ku dhow sida ugu dhakhsiyaha badan loo xorayn doono isla markana dhamaan jidadka la furayo.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.