Hay’adaha arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya oo xafiisyo ka furanaya Muqdisho

Waxaa si dardar leh u hergalaya amar ay dowladda Federalka Soomaaliya siisay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dalka ee xafiisyada ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inta uu dhaman sanadkan 2018.

Waxaa shalay si rasmi ah loo furay xafiiska Hay’adda Mercy Corps ee Soomaaliya iyadoo uu xariga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Jamal Maxamed Xassan oo uu wehliyo madaxa Hay’ada iyo Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Qorasheynta Cabdulqaadir Axmed Warsame.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedelada kajira dalka iyo sidii guud ahaan adeegyada loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed xafiisyada qaabilsan Soomaaliya ay uga shaqeyn lahaayeen, iyadoo la ogyahay in ay ku shaqeyn jireen meel ka baxsan Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiisyada Hay’addaha Socdaalka ee IOM iyo. Hay’adda Care International ,  waxaana ka horeysay hay’adda dhalaanaka iyo xcaruurta ee UNICEF si howlahooda shaqo ay uga bilowdaan gudaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.