Ciidan cusub oo lagu wareejinayo amniga Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay maalmo kaddib tababar ka soo baxayaan Askar uu sheegay in ay sugi doonaan amniga Magaalada.

Askartan oo uu tiradooda ku sheegay 1,000 Askari ayaa ku tababaranaya Xarunta Xisbiga waxaana uu Taliyaha ciidanka Booliska uu  sheegay in marka uu tababarka u dhamaado ay la wareegi doonaan amniga Magaalada Muqdisho.

Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadan la baray Shuruucda Booliska,sidoo kalena ay qaateen tababar ku lan.

Waxaa uu intaas ku daray in 10 Casho kaddib ay Ciidamadan ka howlgeli doonaan Degmooyinka kala duwan ee Magaalada Muqdisho.

Amaanka Muqdisho intiisa badan waxaa hadda gacanta ku haya Ciidan Boolis ah oo badankood ku sugan Waddooyinka iyo baraha Koontaroollada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *