Maxaa laga filan karaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan ka leh Soomaaliya?

Khamiista maanta gelinka dambe (waqtiga Afrikada Bari) waxaa fadhi gaar ah oo ku saabsan Soomaaliya yeelanaya xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa lagu bilaabi doonaa warbixin uu Golaha siin doono Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo Talaadadii laga ceyriyay dalka kaddib markii uu su’aalo ka keenay dilka 15 ruux oo Baydhabo lagu dilay iyo xarigga 300 ruux iyo qabashadii Mukhtaar Roobow.

Kaddib warbixinta Haysom waxaa la filayaa in Golaha Ammaanka soo saaraan qaraar ku saabsan xaaladda taagan.

Hadaba muxuu noqon karaa go’aankaasi:

Marka la eego waxa uu ka hadlo Nichlos Haysom waa arrimo jiro oo run ah gaar ahaan arrinta Baydhabo iyo xariga

Cabdirisaaq Cali  Xasaan oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway lagana soo doortay  Golaha deegaanka gobolka Hedmark iyo degmada Stange dalka Norwey oo Somali Top News ay wareesatay ayaa waxa uu sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya uu yahay qar iska tuur isalamarkana aan loo baahneen go’aankaas oo kale.

Waxa uu sheegay siyaasiga in aysan jirin wax qalad oo uu galay wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya kaliyana uu sheegay waxa jira.

Mudane Cabdirisaaq ayaa aaminsan in kulanka Qaramada Midoobay lagu taageeri doono mudane Haysom laguna cambaareyn doono go’aanka dowladda Soomaaliya.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.