Deg Deg: Wafdi ka socday xukuumadda Soomaaliya oo ku xayiran garoonka Adan Cadde

Puntland ayaa ku wargelisay xubno ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Garowe ku wajahnaa in aysan ka soo duuli karin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ay mudda saacado ah ku xayiran yihiin.

Dadaallo ay sameeyeen qaar ka mid ah Isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday, sida ilo wareedyo ay xaqiijinayaan.

Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha Xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somaliya, hase yeeshee kuma jiraan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Wasiiradan iyo Xildhibaanada loo diiday inay tagaan Magaalada Garowe, ayaa ka soo jeeda deeganada Puntland, waxayna doonayaan inay goobjoog ahaadaan doorashada Maamulkaasi.

Laba cisho kaliya ayaa ka dhiman waqtiga loo balamay inay qabsoonto doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana Magaalada Garowe ka socda loolan adag oo Musharaxiinta ay ku kala jiidanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen, kuwaas oo u yimid arrimaha doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.