Guddiga garsoorka Puntland oo sheegay in Gaas uu cunay mushaarkooda

Iyadoo ay maalin qura ka harsan tahay doorashada madaxweynaha Puntland ayaa xubno ka tirsan gudiga Garsoorka Puntland waxa ay ku baaqeen in Madaxweyne Gaas laga reebo tartanka doorashada Madaxweynaha Puntland.

waxay ku eedeeyeen madaxweynaha musharaxa ah in uu cunay xaqoodii isla markaana mushaharaadkoodana aan la siin mudo sanado ah.

Sidoo kale Xubnahan ka tirsan gudiga garsoorka Puntland ayaa waxay sheegeen in ay gudiga doorashooyinka Puntland u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Cabdiweli Maxamed Cali ahna musharax madaxweynaha Puntland.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya gaar madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayay ugu dambeyn ugu baaqeen in xaqooda ay ka siiyaan Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo ee Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.