Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno katirsan Al shabaab

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay  duqeyn Diyaaradeed ku dileen 6 ka tirsan Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarkaasi oo ah kii 2-aad ee ay Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia Sanadkan Cusub ee 2019  ayaa waxay sheegeen inuu ku dhacay Deegaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose, kuna bur buriyeen gaari Tekniko ah, waa sida ay AFRICOM sheegatay.

Agaasimaha Hawlgalladda ee  Taliska AFRICOM, Jeneral Gareeg Olson ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay si buuxda u taageeraan DFS iyo Ciiddankeeda iyo Saaxiibadda kale ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka iyo DFS iska kaashadaan  Hawlgallada duqeymaha ee ay Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.