Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi  oo booqasho lama filaan ah ku tagay Shiinaha

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa maanta oo Salaasa ah booqasho kedis ah ku tagay wadanka China, halkaasi oo uu kulan xasaasi ah kula leeyahay Madaxweynaha China Xi Jinping.

Booqashada Kim ayaa lagu soo beegay kahor kulan la qorsheenayo inuu dhexmaro Kim Jong Un iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Dalka China ayaa ah xulafada ugu weyn ee diblumaasiyadeed ee uu leeyahay wadankaasi Kuuriyada Waqooyi, waxaana la filayaa in labada hogaamiye ka wada hadlaan qorshe mideysan oo ay ka yeeshaan qaabka loo wajahayo wadahadalka Kim iyo Trump.

China ayaa xiligan loolan dhanka dhaqaalaha ah kula jirta dowlada Maraykanka arrintaasi oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato wadahadalada u socda Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.