Madaxweynaha cusub ee Puntland oo kulan la qaatay wafdi ka socday dowladda Federalka

Shalay gelinkii dambe ee  waxaa Magaalada Garoowe gaaray Xubno isugu jiray Xildhibaanno iyo Wasiiro katirsan Dowladda Federaalka Federaalka oo deegaan Doorashadoodu tahay Puntalnd.

Wafdiga ayaa kulan la qaatay madaxweynaha cusub  ee maamulkaasi mudane Saciid Cabdullahi Dani, kuwaa oo ugu hambalyeeyay xilka loom magacaabay iyo soo dhaweynta uu u sameeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hormuud u ahaa wafdigan ayaa kolkii tageen Magaalada Garoowe waxa ay arrimo dhowr ah kawada hadleen Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Cusub ee Puntland.

Sidoo kale waxaa kamid ah Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheuraadka badda, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo xubno kale, kuwaa oo wali ku sugan magaalada Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.