Cabdicasiis Lafta-gareen oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baraawe+Sawirro

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koofur Galbeed C/ Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe oo ah Caasimada maamulka Koofur Galbeed.

Lafta Gareen, waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan, waxaana soo dhaweyn u sameeyay maamulka Gobolka iyo kan degmada.

Madaxweyne Lafta Gareen, ayaa haatan kulamo la leh saraakiisha Ciidamada ee Amisom iyo kuwa Somalida, Isagoo kala hadlaya sidii duulaan loogu qaadi lahaa deegaanada Shabaab ay Joogaan.

Waa socdaalkiisii 2-aad uu Madaxweynaha ku tago meel ka baxsan baydhabo kadib doorashadiisii, 29-kii Bishii hore Lafta Gareen, ayaa gaaray maagalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.