Madaxweynaha Jubbaland oo ciidamada kala hadlay dagaalka Al shabaab

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay ka mid yihiin Ciidamadii ka hawlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen.

Wuxuu intaas ku daray in Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu ahaa Afmadoow in  ay shaqooyin u tagi doonan deegaano  kale si ay Al shabaab uga xoreeyaan deeganada ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan.

Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Dowlada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka  dhinacyo badan laga fulin doono sida deegamada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.