Golaha Guurtida Somaliland oo kulan ka yeeshay dib u dhaca doorashooyinka

Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in maanta Golaha guurtida Somaliland ay kulan aan caadi aheyn ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa.

Golaha ayaa kulankooda kaga wada hadlay  dib-u-dhaca doorashada iyo Muddo Kordhin ay Sameeyaan Golaha Guurtidda ee Soomaaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in  kulanka  Golaha Guurtidda la iskugu yeeray ka dambeeyey waraaq uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Golaha Guurtidda inay waajibaadkooda ka gutaan doorashadii isku lammaaneyd ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dib u dhacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.