Faah-faahin: Weerar loo adeegsaday Bam Gacameed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Bam gacmeed xalay lagu weeraray guriga uu Howlwadaag ka deganyahay Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Dhalinyaro hubeysan ayaa la sheegay iney Bam ku tuureen guriga, kaasoo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Xaafadaha degmooyinka; Hodan, Waaberi iyo Howlwadaag.

Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhaawacantay Bamka iyo rasaas xigtay oo ay rideen ilaalada Gudoomiyaha, dadka dhaawacmay laba kamid ah waa askartii ilalaada ka heysay guriga oo qaraxa saameeyay, halka Saddexda kale ay yihiin dadka shacab ah oo haleeshay rasaasta qaraxa kadib la riday.

Guriga uu deganyahay Jacfar, waxa uu ku yaala wadada ka dagata Isgyoska Dabka ee aada dhinaca Isgoyska Bakaaraha, waxaana sidan oo kale dhowr habeen oo hore loogu tuuray bam gacmeed khasaare kala duwan dhalisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.