Caqabadaha ka dhalan kara in Qof Ajnabi ah loo dhiibo Bankiga Dhexe

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka wax ka badalka maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo  Golaha Wasiirada soo meel mariyeen.

Xeerka cusub ayaa ogolaan doona in qof Ajnabi ah gudoomiye looga dhigi karo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya kaa oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Baarlamaanka.

Hadaba maxaa keenay in marka hore loo baahdo qof AJNABI ah:

Soomaaliya waxey leedahay aqoon yahano dalka iyo dibadda wax ku bartay oo aqoon durugsan u leh maareynta iyo maaulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya kuwaa oo ah dhaqaalyahano ka soo shaqeeyay Bankiga Adduunka iyo hay’ado Caalami ah.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya tan iyo burburkii looma dhiibin qof shisheeye eh waxaa soo maamulayaya oo Agaasime ka ahaa Soomaaliya soo gaarsiisay heerar kala duwan markii burburka laga baxay kadib.

Dastuurka dalka ayaa si cad u dhahaya qof Soomaali ah ayaa xilkan loo dhiibi karaa oo xaq u leh balse hadda waxaa loo codeeyay in qodobkaas isbadal lagu sameeyo.

Professor Yaxye Caamir iyo Yusra Abraar waa aqoon yahano Soomaaliyeed oo Bankiga Dhexe maamul ka soo noqday iyadoo aqoontooda loo baahanyahay ayey isaga tageen sababo la xiriira arrimo shaqsiyadeed “ waxey la dagaalameen musuq maasuqa” heer sare ayeyna gaarsiiyeen Bankiga Dhexe.

Caqabadaha ka dhalan kara in Qof Ajnabi ah loo dhiibo Bankiga Dhexe.

1: Ma ahan qof ku hadli kara luuqadda Soomaaliga, dalka waxaa looga hadlaa hal luuqad oo ah Soomaali sidaas darteed xili walba wuxuu u baahanyahay Turjubaan.

2: Ma ahan qof Muslim ah oo laguma dhaarin karo kitaabka Quraanka Kariimka.

3: Aqoon uma lahan howlaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waligiisna kama shaqeyn arrimo Bank, waxaa suuragal ah in uu qabto shaqooyin aan la jecleesan.

4: Iney adkaato wada shaqeyn dhexmarta isaga iyo howlwadeenada maadama shaqalaha Bankiga ay u badan yihiin kuwa hadda ka shaqeeyo kuwa ka soo horjeeda Ajnabiga.

5: In xilal kale loo dhiibo ajaanib sida Taliyiayha ciidanka xoogga dalka iyo agaasimaha madaxtooyada maadama kan la ogolaaday.

Gabogabo:

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya in qof ajnabi ah loo dhiibo waxey ka dhigantahay in sumcadii Soomaalida hoos loo dhigay oo mas’uuliyadooda leeyihiin xildhibaanadii ansixiyay, Golaha Wasiirada iyo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xigasho: Bandhiga Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.