Hub si qarsoodi ah loo gudbinayay oo gacanta lagu dhigay

Booliska Dalka Kenya aaya gacanta ku dhigay Hub si qarsoodi ah looga soo qaaday Nairobi loona waday Gobolka Waqooyi Bari.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Hubkan oo lagu waday Gaadiidka Booliska ay dhexda u galeen Ciidamada ilaalada ee Booliska ah.

Saraakiishii lagu qabtay ayaa sheegay in Hubkaas loo waday Ciidanka keydka Booliska ee Kenya laakiin Taliyayaasha ugu sarreeya Booliska Kenya ayaa diiday in ay ka warbixiyaan hubkaas iyo halka loo waday.

Wargeyska The Star oo warkan qoray ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet, uusan ka jawaabin wicitaanno iyo farriimo uu u diray.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa u sheegay The Star in Ku xigeenka Taliyaha Booliska Kenya Edward Mbugua, amarkiisa lagu daabulayay hubkan.

Hubka la qabtay waxaa uu gaarayaa 350 Qof oo isugu jira AK47 iyo G3,waxaana ay qeyb ka yihiin in ka badan 10,000 oo ah Hubka fud fudud oo loogu talagalay in la siiyo Ciidanka Booliska ah ee Kenya ee lagu diyaariyay Gobolka Waqooyi Bari si ay ugula dagaallamaan Al-shabaab.

Laakiin warqad Bishii October ka soo baxday Amos Gathecha, oo ka tirsan Xaiska Madaxeyne Uhuru Kenyatta ayuu ku sheegay in aan hubkaas la qeybin karin loona qeybin karin booliska diiwaangeshan iyo kuwa keydka loo tababarayo.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa horay isugu raacay in la hubeeyo Booliska Keydka ah ee jooga 30 Magaalo oo sohdin la leh Soomaaliya si ay ula dagaallamaan AL-shabab,islamarkaana magaaladiiba u yeelato 10 Askari oo hubeysan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.