Ku dhawaad 100 shabaab ah oo lagu dilay weerarkii Baar Sanguuni

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dagaal saaka waabarigii Al shabaab ku qaadeen Saldhig ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil u hadashay Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in weerarku ku bilaawday gaari walxa qarxa laga soo buuxiyay ayna fashiliyeen, isla markaana ciidanka Jubbaland ay qarxiyeen gaari Qaraxa waday sida ay hadalka u dhigeen.

Jubbaland ayaa sheegatay in ay ka dileen Al shabaabkii weerarka soo qaaday 73 kamida sidoo kalana ay gubeen gawaari ay Shabaab lahaayeen sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Jubbaland.

Dhanka kale Al Shabaab oo weerarkaan uga hadlay Baraha ay warkooda ku faayaan ayaa sheegtay in lawareegeen Xarada Ciidanka Jubbaland ee Baar-Sanguuni ayna ka qaateen Saanad Milatari oo saldhiga taalay.

Majirto Cid ka madax banaan sheegashada Jubbaland iyo Al Shabaab oo Xaqiijisay Khasaaraha kala gaaray labbada dhinac iyo sheegashooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *